Continually embrace sustainable benefits with revolutionary metrics. Completely benchmark premier partnerships through multifunctional convergence. Objectively disseminate customized vortals via front-end schemas.
Sida caadiga ah ee ay ahayd in uu aadanuhu u noolaado -waa sidii looga bartay e-; waxa ay ahayd: in bulshooyinka Aadadanah intii isku aragti ahiba ay wada dagaan oo iyagu kala war helaan, inta kala aragtida ahise ay kala dagaan kalana war la’aadaan, taasina waa tan suurta gelin jirtay -waayihii hore ee aadanaha- in bulsho walibaa ay lahaato Diinteeda, Dhaqankeeda, iyo wax ay Anshax u taqaanno iyadu, ayna u suurta gasho in ay ilaashato waxyaabaha ay iyagu saxda u arkaan, waxyaabaha ay qaladka u arkaanna aysan si fudud ugu soo gudbin, dhammaan marka aad eegto sooyaalka bulshooyinkii dunida soo maray; waxaa ku soo baxaya bulshooyin kala Diimo iyo Dhaqanmmo duwanaa, kala Anshax duwanaa, kala Afaf duwanaa, kala ilbaxnimo duwanaa, oo hab-nololeedka iyo hab-hoggaamintaba ku kala duwanaa.
Berigii hore, waxaa adkaa isu-socodka iyo war-is-gaarsiinta, sidaa aawadeed; taariikhda deegaannadii iyo qabiilladii caanka noqday ee aadanuhu waxa ay muujinaysaa in Diimaha iyo Dhaqammada deegaannadaasi ay muddo dheer waari jireen maadaama uu deegaan kasta dadkiisu kala dhaxlayay Diinta iyo Dhaqanka ayna adkayd in bulshadaasi ay ka war hesho dhaqammo iyo diimo kale oo ka jira deegaanno kale dabadeedna ay ku saamoobaan. Kaliya waxaa dhici jirtay in jiilba jiilka uu ka danbeeyo uu wax uun yar ku daro ama ka bedelo Diinta iyo Dhaqanka bulshada, dabadeedna muddo dheer oo kumannaan sano ah kadib ay Diintii calawdo (doorsoonto), ama uu Dhaqankii waydaarto sidii ay awoowayaashii hore ee bulshadaasi ku ogaayeen, arrintu in ay sidaa ahayd waxa ay ka dhex muuqadaa taariikhaha Nabiyadii uu eebbe ummadaha u soo diriyay iyo muddada ay qaadanaysay in halka bulsho ay Diin ahaan iyo Dhaqan ahaan u lunto (u badalmaan) dabadeedna Nabi kale loo soo diro si mar kale jidka loogu soo celiyo.
Dunida aynu maanta ku noolnahay waxaa ka jirta dhibaato aad u wayn, waa dhibaatada ah isu-furnaanta bulshooyinka kala aragtida duwan ee ku nool dunida, waxaa daf-iyo-miriq noqoday kala-war-helistii iyo Isu-socodkii aadanaha, markaas buu qof kastaaba sax iyo qalad, shar iyo khayr, anshax iyo anshax-xumo; wixii uu hayay qofka kale il-biriqsiyo ugu gudbinayaa, bulsho kastaana wixii ay Af, ilbaxnimo, iyo Hidda haysay ay bulshooyinkii kale oodda kaga soo qaataysaa, waxaa lumay wixii la kala lahaan jiray iyo haybihii bulshooyinka u kala gaar-gaarka ahaa, Diin, af, dhaqan, anshax , iyo ilbaxnimaba waa lawada yeeshay, qof kastaaba dunida maanta wuxuu jilayaa qolo kasta, wuxuu xambaarsanyahay -si toos ah ama si dadban- boqollaal haybood (abtirsiinyo) oo aan sinnaba isu qaadan karin, taasina waxa ay lumisay qiimahii aadanaha iyo dhammaan waxayaabihii qofnimada iyo karaamada aadanaha lagu cabbiri jiray, wixii lagu kala sarrayn jiray, lagu kala sharaf badnaan jiray, waxaa isku mid noqday fiyoobidii iyo waallidii, aqoontii iyo umminnimadii, waxaa isku dhex qasmay dhammaan siyaabihii wax loo kala mudnaan jiray!, waxaa lumay xorriyaddii garashada iyo diidmada, bedelkoodana waxaa xoog yeeshay addoonsigii dhaajinta iyo aqbalaadda. Ugu danbaynna waxaa abuurmay qeexitaanno silloon se la cilmiyeeyay; sida: “waxaa xaq ah wixii loo badanyahay”, “waxaa sax ah dooqa qofka”, “waxaa qurxan wixii cusub”, IWM.
Arrinta iigu muhiimsanayd ee aan doonayay in aan idin la wadaago; waa Jawaabta su’aasha ah: “YAA DHIBBANE U AH ISU-FURNAANTA BULSHOOYINKA DUNIDA”!? … Waxaan muran ku jirin in aanay bulshooyinka dunidu u sinnayn oo aanay isku mid ka ahayn dhibaatada ka dhalatay isu-furnaanta bulshooyinka dunida, cilmi-baarayaasha dunidu -gaalo iyo muslimiin- waxa ay isku waafaqsanyiin in ay bulshooyinka dhibka ugu badani uu soo gaaray ay yihiin:
1- Bulshooyinkii iyagu heystay Diin, Dhaqan, Anshax iyo Il-baxnimo wanaagsan ; waayoo iyaga waa looga faa’iidaystay isu-furnaanta iyaguse kama faa’iidin oo waxaa loo soo dhoofiyay Diin, Dhaqan, iyo Il-baxnimo wada gurracan, taasina waa arrin iska dabiici ah, waayoo nin awalba qaawanaa wax laga furto ma hayeto, oo waa la garan karaa in bulsho awalba waxba walba oo wanaag ah ka qaawaneed aan wax ka hallaabayaa jirin.
2. Bulshooyinkii iyagu tabarta darnaa awood ahaan ee laga xoogga badnaa; waayoo iyaga waa la saameeyay ee iyagu waxba ma saamayn karin, waana arrin iska caadi ah in mar walba ciddii laga awood roonaado ay dhaajiso iyadu cidda awoodda badan, waayoo iyadu way isla liidanaysaa oo waxa ay mar walba wax moodaysaa qolada xoogga badan ilbaxnimadeeda, taas oo ah Af, Diin, Dhaqan, Hoggaamin, iyo Hab-nololeedba in ay uga daysato, waddada lagu soconayana ay uga danbayso qolyaha awoodda leh ee wax muquunin kara.
3. Bulshooyinka laga aqoonta roonaa horraanba oo jahligu ku badnaa wax aqrintuna ku yareyd; waayoo iyagu awood uma lahan in ay cabbir-aqooneed saaraan waxa bulshooyinka kale uga imaanaya, iyo in ay dagsadaan hab ay iskaga kala shaandhayn karaan xogaha, dhaqammada, iyo aragtiyada nololeed ee kaga soo qulqulaysa dunida inteeda kale. Bulshooyinkii aqoonta lahaa iyagu; wixii dunida kale kaga yimid waa ay iska shaq-shaqeen, wax ka qaateen, waxna iska tuureen, dhanka kalana waxayba dagsadeen habkii ay jiilkooda da’da yar (carruurtooda) u hagi lahaayeen, haybtooda u bari lahaayeen, taariikhdii ummaddooda ugu xiri lahaayeen, qab iyo isla-weynina ugu abuuri lahaayeen si uusan marnaba ula weynaanin dhaqan aysan iyagu lahayn, faa’iidana uga dhex muuqataa aysan jirin, dan ku qasbaysaana aysan meeshaba oollin.
4. Bulshooyinka aysan hab-barbaarintooda ku jirin ama ku badneyn in caqliga la isticmaalo oo wax walba la sababeeyo ; bulshooyinka nuucaan ahi waxa ay noqdeen hayi-raac, ama daameeri-dhaan-raacday, iyaga oo aan waxba iska weydiin, aan baarin faa’iidada iyo dhibaatada ka imaan karta, aan ka fikirin dan iyo ujeeddo ku riixaysa iyaga; ayay iska qaataan xogtii dhegahooda ku soo dhacda iyo dhaqankii ishoodu qabataba, sidaa aawadeedna waxa ay dhibbanayaal u noqdeen isu-furnaantii bulshooyinka dunida, taas bedelkeeda bulshoyinka caqli adeegsadaahi iyagu waxyaabo badan ayay ka badbaadeen kadib markii caqliga adeegsadeen iyaga oo sababaynaya oo macanaynaya danta iyo ujeeddada ku riixaysa qaadashada arrin (arrin dhaqan tusaala ahaan) bulsho kale ka timid.
5. Bulshooyinka indha-baqaaqa ahaa ee ilbaxnimada magaaladu horraanba ku yareyd; bulshooyinka nuucaan ah mar ay ku soo dhex-dhacaan dunidaan isu furantay; waa ay u nugul yihiin in ay ku dhex haftaan, dhaqan ahaan iyo diin ahaanna ay milmaan, waayoo; aqoon ahaan, ibaxnimo ahaan, iyo nolol ahaanba in ay hooseeyaan ayay u badantahay, sidaa aawadeedna waxa ay dhibbane u noqdaan isku-dhex-milanka dhaqamada iyo diimaha bulshooyinka oo waxaa ku adkaata in ay kala soocaan wixii ay iyagu lahaayeen iyo wixii bulshooyinka kale ay lahaayeen.
Bulshadeenna Soomaaliyeed waxa ay dhexda kaga jiryaa bulshooyinka dhibbanaha u ah isu-furnaanta dunida ka dhacday, aqoontu way nugu yartahay, ilbaxnimo hore oo magaalo ma aynaan lahayn, caqliga in la isticmaalo barbaarinteenna kuma jirto ama kuma badna, sidaa aawadeedna maanta waxaan halis ugu jirnaa in aan luminno wixii wanaagsanaa ee aan haysannay oo ahaa Diinta Islaamka, iyo Dhaqankii gobannimada huwanaa ee awoowayaasheen.
F.G: Horay ayaan qormooyin dhowra uga sameeyay mowduucyada ay ka midka yihiin: Hayb-lunka ku dhacay bulshada soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada, Sababaha Diimaha qaldani ugu faafayaan soomaalida, Dhibaatooyinka Internet-ku u geystay Soomaalida, Qaaqlaynta (faqaaqlahnta) baraha-bulshada iyo saameynta ay ku yeelatay qoyska soomaaliyeed, U-furnaanta dunida iyo aayaha anshaxa dhallaanka soomaaliyeed, Iyo mowduucyo kale oo mowduucaan si uub xiriir ula leh, qofkii danaynayaa gadaal ha u raaco boggaan.
Dr Calawi.